Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha 7aad Ee SOLJA Oo Ka Hadley Xilliga Shirka Iyo Shuruudaha
December 20, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 7aad Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maanta warbaahinta la hadley, ayaa shaaciyey wakhtiga uu qabsoomayo shirweynaha ururka iyo Shuruudaha laga rabo xubnaha doonaya inay Hoggaanka Ururka u tartamaan.
Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Solja, ayaa sidoo kale fariin u diray Murrashaxiinta u tartamaya Hoggaanka SOLJA.