Horta Ma Isbedel Baa Socda Mise Shirqool? Halkeese Ayay Somaliland Kaga Jirtaa?Siyaasi Cali Guray,
December 23, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland wadamada ay Deriska la tahay ee xuduudaha ay la wadaagto oo dhami si toos ah ayay arimaheeda gudaha ugu hayaan farogelin joogto ah. Dawladda Itoobiya waxay si gaar ah uga hortimi danihii istraatajiga ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland waxana kala muhiimsanaaday waxa lagu sheegay isbedelka cusub ee Geeska Afrika ee hore heshiika ay ugu wada galeen Afwarqe, Abye Ahmed, iyo Farmaajo oo hadda galay marxaladiisii fulinta dhinaca Itoobiya iyo Somalia. Siday u muuqato Dagaalka Tigray iyo ka laga wado Jubbaland ayay labduba u adeegayaan hirgelinta ujeedooyinkii laga lahaa heshiiskaasi oo hadda u dhurtay in uu noqdo (Heshiiska Burburinta Dimuqraadiyadda Geeska Afrika).