Qaramada Midoobay Oo Baadhitaan Ka Sameynaysa Gobolka Tigray
December 23, 2020 - Written by admin
Mekelle(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa ku dadaaleysaa in ay koox ka socota ay tagaan gobolka Tigray, si ay u baadhaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee la sheegay oo ay ka mid yihiin dil wadareed ka dhacay gobolkaasi, kaasi oo ay madaxa xuquuqda aadanaha ee QM ku tilmaantay mid ka mid ah xadgudubyada badan ee xuquuqda aadanaha ee “argagaxa leh,” kuwaasi oo noqon kara dambiyo dagaal.
Ciidanka Itoobiya ayaa muddo ka badan lix toddobaad kula dagaallamayay xoogagga gadoodsan ee TPLF gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, dagaalkaasi oo barakiciyay dad ku dhow 950,000 oo qof.