Markab Sida Afar Kamid Wishaanta Casriga Ah Ee Dekeda Cusub Lagu Xidhi Doono Oo Marsada Berbera Maanta Soo gaadhay
December 24, 2020 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Dekeda Berbera Waxa Maanta Soo Gaadhay Markab Sida Afar Kamida Wiishaanta Casriga Ah Ee Lagu Xidhi Doona Dekeda Cusub Ee Shirkada DP World Dhismeheeda Hirgalisay Oo 400 MT Ah. Wiishashkan Oo Ah Nooca Loo Yaqaan (Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs) .Ayaa Waxa Ka Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebooka Kaga Hadlay Maareeyahay Haayada Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi
Waxaanu Yidhi”
Waxa aannu Dekedda Berbera ku soo xidhnay, Markabka lagu soo raray Afar ka mid ah Siddeeda Wiish ee lagu rakibaayo Dekedda Cusub ee Berbera ( Rubber Tyred Gantry Cranes (RTGs). Iyadoo Afarta kalena ina soo gaadhi-doonaan badhtamaha Bisha 1aad ee Sannadka cusub, 2021.
Berberatoday.com