Ujeedka Safar Taliyeyaasha Millateriga Iyo Booliska Somaliland Ku Tageen Tukaraq Iyo Laascaanood
December 24, 2020 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Taliyeyaasha Ciidammada Millateriga iyo Booliska Somaliland Nuux Ismaac’iil Taani iyo Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale oo ay weheliyaan Saraakiil kale, ayaa Khamiistii maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay u tageen wax ka qabashada dhaqdhaqaaqyo nabadgelyada ka dhan ah, sida uu sheegay Badhasaabka gobolku.
Waftiga Taliyeyaasha Booliska iyo Millateriga Somaliland, waxaa deegaanka Guumays ku qaabbilay Masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Sool Abdiqani Maxamuud Jiidhe, Taliyaha Qaybta Boliska gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni iyo Xubn kale.