Diblomaasiga Ugu Sarreeya Imaaraadka Carabta Oo Qirtay Arrin Hadal Hayn Ka Abuurtay Pakistan
December 25, 2020 - Written by admin
Dubai(BErberatoday.com)-Diblomaasiga ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii qirtay xayiraad aan sharaxaad laga bixin oo la saaray dadka dalkaasi kasoo booqanaya Pakistan, taasi oo hadal badan ka abuurtay Pakistan.
Wakiilada dhinaca socdaalka ee gooya tikidhada ayaa sidoo kale sheegay in xayiraaddan lagu beegsanayo in ka badan 10 dal oo kale muslimiin ah, ayada oo uu jiro tuhun ku saabsan in arrintan loo sameeyey Israa’iil darteed.
Kadib kulan uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay “in dhowaan hakin ku-meel gaadh ah lagu sameeyey soo saarista Visa-ha sababo la xidhiidhka cudurka COVID-19,” sida ay werisay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM.