“Waxaanu Leeyahay Farmaajo, Ha ku Firikin Inay Muqdisho Mar Kale Xukunto Hargeysa..”
December 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada JSL, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Waddamada Geeska Afrika, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray urur Goboleedka IGAD iyo Waddamada Afrika, waxaanu ugu baaqay in aanay iska indho tirin Somaliland iyo dawladnimadeeda.