berberatoday.com
Arsenal Oo Guul Mihiima Ka Gaadhay Chelsea Oo Garoonkeeda Ku Booqatay
December 26, 2020 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul weyn garoonkeeda Emirates kaga gaadhay Chelsea oo marti u ahayd kulanka London Derby, waxaana ay kaga adkaatay 3-1.

Arsenal oo marti loo ahaa ayaa goolasha la horreysay kulankan, waxaana goolka hore u daah furay Alexandre Lacazette, waxaana uu ahaa gool ku laad uu gool u rogay 34’daqiiqo kaddib markii Reece James uu qalad ku galay Kieran Tierney, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 lagu hoggaamiyey Blues.

Markale Gunners ayaa hoggaanka ciyaarta dheereysatay iyadoo Granit Xhaka uu laad xor ah oo qurux badan ka xareeyey goolhaye Edouard Mendy, waxaana ay ciyaartu noqotay 2-0 ay ku gacan sarreysay Gunners.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhammaaday 2-0 looga gacan sarreeyey Chelsea, waxaana Arsenal ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee horyaalka Premier League oo goolhayaha Blues ee Edouard Mendy labo gool ka dhalisa qeybta hore ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa bedello deg deg ah sameysay waxaana garoonka laga saaray Mateo Kovacic iyo Timo Werner, waxaana ciyaarta ku soo biiray Jorginho iyo Callum Hudson-Odoi.

Arsenal oo si wacan u shaqeynaysay kulankan ayaa goolka saddexaad la timid waxaana 56’daqiiqo kubbad uu Bukayo Saka ka laaday bannaanka xerada ganaaxa inta birta ku dhacday shabaqa gashay, kaddib baas uu ka helay Emile Smith-Rowe, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-0 weli looga gacan sarreeyey Blues.

Dhammaadkii ciyaarta 85’daqiiqo Chelsea ayaa hal gool soo celisay waxaana u dhaliyey Tammy Abraham, kaddib caawin uu ka helay Callum Hudson-Odoi, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-1 ay gacanta sare lahayd Gunners.

Chelsea ayaa heshay fursad ay ciyaarta kaga dhigi kartay 3-2, waxaana rigoore loo dhigay Blues laga qabtay dhammaadkii dheesha 90+1 daqiiqo xiddigooda Jorginho.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa ku soo dhammaaday caawa 3-1 ay guul ku qaadatay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Waa guushii ugu horreysay oo ay gaadho Arsenal horyaalka Premier League tan iyo 1 bishii November, taasoo cadaadiska ka yareysay tababare Mikel Arteta.

Chelsea ayaa iska lumisay caawa fursad ay saddexda sare ee horyaalka Premier League uga soo mid noqon lahayd, halka Arsenal oo aan qaab ciyaareed fiican ku jirin ay qalbiga ku qabowsatay guushan weyn oo ay ka gaadhay kulanka London Derby, Gunners ayaana haatan fadhisa kaalinta 14-aad iyadoo leh 17-dhibcood.

SAWIRRO:

Bukayo Saka scored Arsenal's third goal on a memorable evening for the Gunners as they sealed a much-needed victory

Alexandre Lacazette had earlier given Arsenal the lead with a first-half penalty, sending Edouard Mendy the wrong way
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews