Ma Laga Yaabaa Itoobiya In Maalin Xalka Keli Ahi Noqdo Ra’iisul Wasaare Ka Soo Jeeda Qoomiyadda Soomaalida?Cali Guray. I
December 27, 2020 - Written by admin
ITOOBIYA:Fari Togdheer Bay Kula Xushaaye,
Talo Waxa la yidhi waa mar aad garan waydo iyo mar aad Gaadhi waydo. Abye Ahmed waxa hoday qoomiyadda Amxaarada oo uu isku aaminay. Markii uu ka takhalusayay Tigreyga awaaddii amniga qaranka oo dhan xilalkii ugu sareeyay Wuxu gacanta u wada geliyay qoomiyadda Amxaarada oo iyagu Geliyay dagaalka gobolka Tigray. Mudadii uu socday dagaalku khasaaraha ugu badani wuxu ka soo gaadhay qoomiyadda Tigrayga. Ka hor intii aanu dhicin dagaalka Tigraygu dhibaatada Ugu badani waxay gaadhay qoomiyadda Oromada oo iyagu Muddo ka waday degaankooda kacdoono is dabajoogo ah oo Sababay dhimasho dhawaac iyo xadhig ilaa toban kun xabsiyada la dhigay oo ay ku jiraan madaxdii dawlad degaankoodu xataa Madaxwaynihii iyo hogaamiyahoodii ruuxiga ahaa ee Jawhar. Dhinaca kale intii dagaalka Tigraygu waxa jiray dad ka soo jeeday qoomiyadda Amxaarada oo iyagana lagu laayay gobolo dhawr ah. Qoomiyadda Amxaaradu intii ay dhimanayeen dadka qoomiyadaha kale maaha kamay danqanayn ee iyaga ayaa qayb ka ahaa go’aamada uu qaadanayay Abye Axmed oo ku riixayay xalka “Xadhigga Iyo Xabbadda”. Weliba iyaga ayaa mar kasta ka diidanaa Abye Axmed wax debec ah kana diidanaa in wakhti uu siiyo xalka nabadda oo ah xal siyaasadeed oo ku dhisan wadahadal is qancin iyo isu tanaasul.