Maamulka Putland Oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Ku Wareejisay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta
December 29, 2020 - Written by admin
Dubai(Berberatoday.com)-Wasiirka duulista maamulka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa magaalada Dubai ee isku tagga imaaraadka Carabta ku saxeexay heshiis ay Puntland ku wareejinayso maamulka garoonka diyaaradaha Bosaso.
Shirkadda TISL ee laga leeyahay Dubai ayaa si rasmi ah ula wareegidoonta madaarka Boosaaso, balse lama sheegin muddada ay maamuli doonto iyo dhaqaalaha ku baxaya heshiiskan.
Puntland waxay sheegtay in shirkadda TISL ay Hormarin iyo ballaadhin ku sameynayso madaarka Boosaaso, kaaso billaaban doona bisha January ee sannadka cusub ee 2021, waxaana uu dhammeystir u yahay heshiis ay hore u galeen Puntland iyo shirkadda TISL.