Itoobiya Maxay Uga Shakiday Safarkii Madaxwaynaha Somaliland Ee Jabuuti?Siyaasi Cali Guray.
December 30, 2020 - Written by admin
Madaxwayne Muuse Biixi In kasta oo sidii caadada u ahayd si Rasmi ah aanu waxba uga sheegin safarkiisa Jabuuti hadana waynu ogayn sidii deg degga ahayd ee uu ku ambabaxay ka dib Dhamaadkii shirkii EGAD. Booqashadani shakiyada ka dhashay Iyo ku tidhi kuteenku ha bato oo waa war la’aanta eh aniga mid Keliya ayaan si gaar ah hoosta uga xariiqay dareenada shaki ee ka dhashay safarkan Madaxwayne Biixi. Kaas oo ah Madaxwayne Ismaciil Cumar oo markii ugu horeysay looga Shakiyay waa yaab eh in uu la jiro Somaliland. Kolay sadexdii hogaamiye ee iyagu shirqoolka loogu magac daray ISBEDELKA CUSUB EE GEESKA AFRIKA ayuu shaki si gaar ah ugu abuuray kulanka Geelle iyo Biixi.