Baarlamaanka Dalka UK Oo Ansixiyay Heshiiska Ka Bixitaanka Britain Ee Midowga Yurub.
December 31, 2020 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Xildhibaannada Aqalka Wakiilada ee Boqortooyada UK ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.
Heshiiskan ayaa waxaa u codeeyeen 521-73 xildhibaan.
Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ku boorriyay baarlamaanka inay taageeraan heshiiskiisa kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.
