Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Udiyaar Garowga Doorashooyinka Soo Socda
December 31, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhigii 69aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida wasaaraddaha, lagagana dooday arrimaha diyaar garawga doorashooyinka.
