Suudan Oo Dib Uqabsatay Dhammaan Dhulkii Itoobiya Ka Haysatay
January 2, 2021 - Written by admin
Khartoum(Berberatoday.com)-Suudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Suudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.
Ethiopia ayaa dhankeedana ku eedeysay deriskeeda inay ciidamo usoo dirtay dhulkan, si ay weeraro uga fuliyaan.
Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay u soo qaxaan Suudan.