Xukuumadda Oo Dib U Dhis Ku Samaynaysa Masaajidka Qiblateynka Ee Saylac
January 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dib u dhisayso Masaajidka labada Qiblo leh ee Magaalada Saylac, kasi oo loo yaqaano ‘Masaajidka Qiblateynka’
Sidaa waxa Guddiga dhaqaalaha u sheegay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo Shalay hor-tagay Guddigaasi.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed Obsiiye oo kulanka ay Wasiirka Ganacsiga la yeesheen ka dib la hadlay Saxaafadda, ayaa ka warramay sheegay in Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshaduhu ku dedaalayso inay horumariso meelaha Dalxiiska loo tagi karo, sidaasi darteed ay dib u dhis ku samaynayso Masaajidka ku yaalla Magaalada Saylac.