Masaajid Ay Dhiseen Asxaabtii Nabiga Ee U Soo Haajirtay Dalka Ethiopia Oo Lagu Burburiyay Gobolka Ee Tigray
January 6, 2021 - Written by admin
Mekkele(Berberatoday.com)-Dowladda Ethiopia ayaa ballanqaaday inay dayactirayso masaajid qadiimo ah kaasoo waxyeelo ka soo gaadhay dagaaladii ka dhacay gobolka Waqooyi ee Tigray.
Qeybo ka mid ah Masaajidka al-Nejashi ayaa duqeyn ay ciidamada Ethiopia geysteen ay waxyeelo ka soo gaadhay.Masaajidkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu horreeyay ee laga dhiso qaarada Afrika ayna dhiseen asxaab ka soo haajirtay magaalada Mecca.
Waxaa la rumeysan yahay in illaa 15 kamid ah muhaajiriintaa ay ku aasan yihiin nawaaxiga masaajidka ay waxyeeladu soo gaadhay. Masjidkan ayaa ku yaalla magaalada Wukro oo qiyaastii 800km (500 miles) u jirta caasimada from Ethiopia, Addis Ababa.