Uganda Oo Qaar Kamid Ah Ciidamadeeda Kala Baxeysa Soomaaliya
January 8, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa si toos ah u sheegay inuu Soomaaliya kasoo bixinayo qaar ka tirsan ciidamada dalkaas ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Musaveni ayaa sheegay inay soo wajahday xaalad adag oo u baahan in laga gudbo inta lagu guda jiro howlaha sugidda amniga Doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalkaas 14 January, sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay inay soo bixiyaan qaar ka tirsan ciidamadooda ee ku sugan gudaha Soomaalya.
Wuxuu sheegay in duruufo amni ay ku qabsatay inay qaar ka tirsan ciidamadooda kala soo baxaan Soomaaliya , isagoo xusay inay ciidamadaas si gaar ah u ilaalin doonaan Amniga Guud ee Caasimadda daka Uganda ee Kambala.