Qaramada Midoobay Oo Dhaqaale Ku Bixinaysa La Dagaalanka Ayaxa Oo Dhibaato Ku Haya Dalal Somaliland Ku Jirto
January 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in lacag dhan 1.5 Million doolar ay ku bixineyso la dagaalanka Ayaxa faraha ba’an ku haya waddamo ka mid ah Geeska Afrika.
Qaramada Midoobay ayaa dhaqaalahan soo marin doonta hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO.
Dhaqaalahan ka kooban 1.5 Million dollar, ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayo hawada iyo dhulka.
Sarkaalka lagu magacaabo Farhan Haq oo ah ku-xigeenka guud ee Qarramada Midoobey ayaa sheegay in tan iyo December 2020 ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bardhamaha Dalka Soomaaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.