“Reer Sooloow, Gacmahaagaa Biyo Lagaga Dhergaa Ee Is-diwaangeliya Oo Kaadhadhka Qaata”Xildhibaan Maxamed-wel Warsame Cali
January 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed-wel Warsame Cali, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay berri ka bilaabanto Gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu ka xog warramay muhiimadda ay Diiwaangelintu leedahay.
Xildhibaan Maxamed-wali Warsame Cali oo laga soo doorto Gobolka Sool, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan Magaalada Laascanood, ayaa si gaar ah baaq ugu diray Shacabka Gobolkiisa, waxaanu ugu baaqay inay is muujiyaan, oo ay kaadhadhka qaataan, waxaanu farriin gaar ah u diray Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Labadii Gobol ee ugu dambeeyey ayaa diiwaangelintii laga bilaabayaa, munaasibaddii daah-furka ee diiwaangelinta Gobolka Soolna si fiican baa loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Wakiillada, Madaxda Axsaabta, Madaxda Qaranka, Masuuliyiinta Komishanka iyo wax-garadka Gobolka Sool, aniguna dabcan munaasibaddii goob-joog baan ahaa, markaas dadweynaha labada Gobolba waxaan u soo jeedinayaa inay is diwaangelinayaan…”.