Somaliland: Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Ruqsadihii Shaqo Ka Dhaceen Iyo Amar Xukuumaddu Ka Soo Saartay
January 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa laashay Ruqsadaha ay ku shaqeeyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka hawlgala, ka dib markii ay Xukuumaddu ku amartay inay muddo bil gudeheed ah ku soo dalbadaan Ruqsadaha ay dalka kaga shaqaynayaan oo uu waqtigoodu dhammaaday kuwii hore ay ugu shaqaynayeen.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil, ayaa Warqad qoraal ah oo uu u kala diray Shirkadaha Isgaadhsiinta soo saaray, isla markaana ku amray Shirkadaha inay u hoggaansamaan Xeer-nidaamiyaha dhaqangalka ah ee dhawaan la sameeyey ee la xidhiidha Siyaasadda lagu hagayo Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka.