Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Haweenaydii Gabadha Yar Ee Ushaqaynaysay Muuqaalka Ay Ugu Hanjabayso Ka Duubtay Baraha Bulshadana Ku Baahisay
January 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qoraalkan ayaa waxa Baahiyay Ciidanka Poliska waxana uu dhignaa sodaa.
Abaaro 12 Dihurnimo Ee Maanta ayaa Ciidanka Booliska Somaliland Xabsiga U taxabeen Samsam Ismaaciil Cartan, oo dhawaan gabadh yar oo u shaqaynaysay Ka duubtay Muuqaal.
Samsam ayaa hada ku xidhan Saldhiga Koodbuur Ee Magaalada Hargeisa.
Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya baadhitaan khuseeya waxa ku kalifay Muuqaalka ay ka duubtay Gabadhaasi yar Ee u shaqaynasay.
Wixii Faah-faahin ah Ciidanku Dib ayuu ula wadaagi Shacbiga Somaliland
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL