Kelmada Allahu Akbar Oo Garoon Diyaaradeed Oo Yurub Ku Yaala Rawixisay Mudo 2 Saac Ah Laguna Kala Yaacay
January 17, 2021 - Written by admin
Germany(Berberatoday.com)-Garoonka weyn ee Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ayaa xalay xidhmay muddo 2 saacadood iyo badh ah, kadib markii Nin Boorso watay inta uu dhigtay meel u dhow qeybta lagu hubiyo Baasaboorada uu ku dhawaaqay kalmada (ALLAAHU AKBAR).

Shacabkii Garoonka ku sugnaa iyo shaqaalihii ayaa mar qudha kala cararay, waxaana markii danbe goobta gaadhay Ciidamada amaanka oo joojiyay dhaq dhaqaaqii duulimaadyada ee Garoonka Frankfurt.