Somaliland Oo Ka Hadashay Oo Ka Hadashay Dilal Ka Dhacay Buuhoodle
January 17, 2021 - Written by admin
Buuhoodle(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdixakiim Faarax Budeeye oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland iyo Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Buuhoodle Jaaamac Dheeg Cartan ayaa ka hadlay dilal kala dambeeyay oo ka dhacay Magaalada Buuhoodle iyo Deegaanka Yayle ee ka tirsan Gobolkaas.
Cabdixakiim Faarax Budeeye iyo Jaaamac Dheeg Cartan oo Shalay Warbaahinta la hadlay waxay baaq Nabadeed u direen Laba Beelood oo walaalo oo dilal kala gaystay Deegaanka Buuhoodle.
Xildhibaan Budeeye oo ka hadlayay dilalkan waxa uu yidhi”Waxa aan Tacsi u dirayaa labadii Marxuum ee midna ku Geeriyooday Magaalada Buuhoodle midna ku geeriyooday Deegaanka Yayle, waxaanan leeyahay qofka nool haloo taliyo waxna way dhacayaan laakiin Fidmada intaa hallagu damiyo oo yaan halkaa la dhaafin, dilkii waxa uu marayaa laba qof yaan lagu darin mid Saddexaad aano ayaanu ku yimid dilkan ka dhacay Buuhoodle.waxaanan leeyahay hallaga waan toobo dilka oo dhulka halla dhigo xaajada waxa aan leeyahay hallaga waantoobo oo yaan xabad dambe la ridin,”.