Boqortooyada Sacuudiga Oo Dib Furanaysa Safaaradeedii Dalka Qatar.
January 18, 2021 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib Safaaradeeda uga furato magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan.
Heshiis dib loogu soo celinayay xidhiidhkii Qatar iyo afar dal ee carbeed Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ayaa soo afjaray khilaaf dalalkan u dhaxeeyay muddo saddex sano ah.