berberatoday.com
“Qof Dhintay In Laga Dhigo Inuu Nool yahay Si Ehelkiisa Lacag Looga Gurto, Waa Dambi”Xil Nac Nac.
January 18, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, Ayaa axmaqnimo iyo fool xumo ku tilmaamay in qof dhintay Laga dhigo inuu nool yahay, si lacag looga gurto ehelkiisa, Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay talaabo adag ay ka Qaado Dhakhtarkii falkaas ku kacay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaa looga baahan yahay inay isku naxariistaan oo ay is caawiyaan, Waxna isku qabtaan, laakiin qof dhintay in laga dhigo inuu nool yahay si ehelkiisa lacag looga gurto, waa dambi, waana axmaqanimo halkii ugu dambaysay in qof dhintay laga dhigo inuu nool yahay, ee talaabo adag ha laga qaado dhakhtarkii ku kacay arintan foosha xun, si aanay waxan oo kale mar dambe inoogu soo noqon, oo Xukuumaddu sharci ha hor keento”.

Dhinaca kale, wuxuu Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asaxaabtii iyo umadda reer Somaliland ee ay ka baxday Marwo Shugri Xariir, oo shalay ku geeriyootay Magaalada Hargeysa, waxaanu ALLE uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews