berberatoday.com
Ciyaaryahan Mezut Ozil Oo Ku Biiray Kooxda Fenerbahce Ee Dalka Turkiga
January 19, 2021 - Written by admin

Istanbul(Berberatoday.com)-Mesut Ozil ayaa la soo warinayaa in diyaarad gaar ah oo Helicppter ah u qaadi doonto garoonka Kooxda Fenerbahce si halkaas loogu soo bandhigo xilli uu sameeyey mushahar dhimis waali ah si uu ugu biiro naadigan ka dhisan Magaalada Istanbul.

Mesut Ozil ayaa go’aansaday inuu mushaharkii uu ka qaadanayey Kooxda Arsenal 282,000 oo gini si uu ugu biiro Fenerbahce.

Laacibkan khadka dhexe ee 32-sano jirka ah ayaa gaaray Magaalada Istanbul horraantii todobaadkan, isagoo haatan qarka u saaran inuu heshiis saddex sano iyo bar ah qalinka ugu duugo Fenerbahce.

Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaya in heshiiska Ozil ee Fenerbahce uu sanadkii ku qaadan doono 3.5 milyan oo gini ama 67,300 oo gini todobaadkan, taasoo aad uga yar mushaharkii 350,000 oo gini ahaa oo uu ka qaadanayey Isbuucii kooxda Arsenal.

Si kastaba ha noqotee, Ozil ayaa lagu soo warramayaa inuu mushaharkiisa ku buuxin karo oo uu heli karo gunnooyin kala duwan oo la xiriira waxqabadkiisa.

Ozil earlier shared a snap of him and his family on a plane with Fenerbahce flags behind him

Haddii Fenerbahce oo ku jirta haatan kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Turkiga ee Turkish Super Lig ay ku guuleysato horyaalka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2014-kii, waxa uu heli doonaa Ozil 445,000 oo gini.

Haddii ay u soo baxaan xilli ciyaareedka soo socda tartanka Champions League oo ay ku dhammaystaan labo kaalin ee ugu horreeya horyaalka, Ozil waxaa sidoo kale la warinayaa inuu heli doono 222,000 oo gini.

Kooxda Fenerbahce ayaa haatan isku diyaarinaysa inay soo bandhigto saxiixeeda cusub saacadaha soo aaddan, waxaana la ogolaan karin inay taageerayaal badan soo xaadiraan halka lagu soo bandhigayo, balse tiro kooban ayaa loo ogolaan doonaa inay ka soo qeyb galaan maadaama laga cabsi qabo faafaha Korona Fayras.

Ozil ayaa sidoo kale la sheegayaa in garoonka Kooxdiisa cusub ay u soo qaadi doonto diyaarad helicopter ah oo uu leeyahay Madaxweynaha Kooxda ee Ali Koc.

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews