Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Kulan Layeeshay Wafti Uu Hogaaminayo Wakiilka Dalka Ingiriiska Ufadhiya Somaliya.
January 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Galabta kulan la qaatay Wakiilka Dalka Ingiriiska u qaabilsan Wadamada Somaliland iyo Somalia Amb: Ben Fender oo uu wehelinayo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mud: Stuwart Brown,
kulankan ayaa lagaga wada hadalay arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen Arimaha Doorashoonka isa saaran ee Somaliland ku soo fool leh iyo doorka ay dawladaha beesha caalamka ee caawinta dumark iyo beelah laga tirada badan yahay.