Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Digtay In Ardayda Reer Somaliland Dib Ugu Laabtaan Gobolka Tigreega…
January 22, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa ka hadashay Hal Arday oo ka mid ah Arday reer Somaliland oo laga soo daad-gureeyay Magaalada Mekelle ee Gobolka Tigreega Itoobiya markii dagaalku ka qarxay halkaasi, kaasi oo dib ugu laabtay halkaasi xilli Xaaladdu aanay wanaagsanayn.
War-saxaafadeed Shalay ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa farriin digniin ah loogu diray Ardayda reer Somaliland ee wax ka baranayey Gobolka Tigreega inay halkaa dib ugu noqdaan, illaa inta ay xog rasmiya ka helayaan Wasaaradda Waxbarashada.