Dowladda Turkiga Oo Digniin Culus U Dirtay Midowga Yurub
January 24, 2021 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa uga digay Midowga Yurub inay sii wadaan go’aanka cunaqabateynta lagu saarayo Ankara, kaasi oo ay meel mariyeen bishii Diseembar ee sannadkii tagay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Oglo ayaa arrinkan ka sheegay, isaga oo ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaha Golaha midawga Yurub, Charles Michel.
Wasiir Oglo wuxuu caddeeyay mowqifka Turkiga, wuxuuna digniino u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell, madaxweynaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.