Maraykanka Oo Shaaciyay In Uu Xoojinayo Tageerada Uu Siiyo Taiwan
January 24, 2021 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Maraykanku wuxuu balanqaaday in uu jibaari doono taageerada milatari ee uu siiyo jasiirada Taywan, kadib cabsi xoogan oo jasiiradda uga timi Shiinaha.
Waa 3 maalmood kadib markii uu Biden la wareegay hogaanka Aqalka Cad oo Taywan ay ka werwersanayd in ay wax iska bedeli doonaan taageeradii baaxadda lahayd ee maamulkii hore uu siin jiray. Balse xafiiltanka u dhaxeeya Washington iyo Beijing ayay ka macaashaysaa Taywan oo dabada galinaysa Maraykanka.