Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Xadgudubyo Kufsi Ka Dhaceen Gobolka Tigrayga
January 24, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay warbixinno “walaac leh” oo ku saabsan xadgudubyo dhinaca galmada ah ama kufsi oo ka dhacay gobolka ay colaadda ka taagan tahay ee Tigrayga Itoobiya.
Qaramada Midoobay waxay intaa ku dartay inay jiraan shaqsiyaad lagu khasbay inay kufsadaan xubno ka tirsan qoyskooda.
Pramila Patten, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xadgudubka galmada ee dagaalada, ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay eedeymaha culus ee uga imanaya gobolka waqooyiga, oo ay kujirto “tiro badan oo kufsi la sheegay” oo ka dhacay caasimada Tigrayan, Mekelle. “Waxaa sidoo kale jira warbixino qasan oo ku saabsan shaqsiyaadka la sheegay in lagu qasbay inay kufsadaan xubno ka tirsan qoyskooda, iyadoo lagu hanjabayo rabshado soo fool leh,” ayuu Patten ku tidhi hadal uu soo saaray khamiistii.