berberatoday.com
Xisbiga UCID Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Tilmaamay Hoggaamiye Aan Khaladaadkiisa Loo Sheegi Karin
January 25, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu yahay hoggaamiye aan khaladaadkiisa loo sheegi karin.

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Musharrax u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in xilligii lagu jiray ololaha doorashadii Somaliland ka dhacday sannadkii 2017 ay Beesha Gobolka Saaxil codsatay in lala doorto Madaxweyne Muuse Biixi, balse doorashadii ay reer ahaan ku hongoobeen.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Xaafaddeenani, Maanta Nin Maanta Madaxweynaha Ergo ugu tagi kara oo odhan kara waxaas iyo waxaas way khaldan yihiin ma lihin raas kasta oo ay inoo tahay.”

Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Shalay markii la dooranayey (Madaxweyne Biixi) qoladayada Barigu halkan baanu idiinku nimid oo aanu idin nidhi, Maanta haddaanu Ciise Muuse nahay Muuse Biixi nala doorta Sacad Muusoow, waad naga aqbasheen, laakiin waanu ku guul-daraysanay.” Ayuu yidhi, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews