Haayada Sirdoonka Itoobiya Oo Digniin Udirtay Dadka Xaalada Caafimaad Ee Raysul Wasaaraha Dalkaas Baraha Bulshada Ku Majara Habaabiyra
January 27, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(BErberatoday.com)-Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digay wararka la faafinayo ee la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.
Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeedhay: “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha 44 jirka ah.
NISS ayaa sheegtay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan amaanka waddanka.