berberatoday.com
Wax Ka Ogow Ciyaarta Arsenal Iyo Man Unated Caawa dhex Mari Doonta Iyo Xaqiiqooyinka Ku Xidhiidhsan
January 30, 2021 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah xifaaltanka muuqda ee Premier League ayaa galaya boggiisa ugu dambeeya caawa oo Sabti ah marka ay Arsenal ku soo dhaweyso Kooxda Manchester United garoonkeeda Emirates.

Todobo boos iyo 10 dhibcood ayaa kala saaraya labada kooxood marka loo eego miiska kala sarreynta horyaalka Premier League, laakiin waa kooxda kaalinta sagaalaad ku jirta ee Arsenal ayaa kulankaan ciyaaraysa iyadoo guul haysata, halka Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta ay la hartay guuldarradii ka soo gaartay Sheffield United kulankoodii ugu dambeeyay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 08:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Wararka kooxaha:-

Saxiixa cusub ee Martin Odegaard ayaa safan kara kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda Arsenal, laakiin weli ma kala cadda haddii Pierre-Emerick Aubameyang uu diyaar u noqon doono kulankan kaddib markii uu muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku mashquulanaa xanuunka hooyadiis.

Thomas Partey iyo Emile Smith Rowe ayaa la qiimeyn doonaa xaaladdooda, laakiin Kieran Tierney ayaa la filayaa in markale la helo.

Daafaca Manchester United ee Eric Bailly ayaa dhaawac fudud ku seegay kulankii Arbacadii ay kooxdiisa guuldarrada kala kulantay Sheffield United, laakiin markale ayuu diyaar yahay.

Victor Lindelof ayaa taam u noqon kara kulankan, inkastoo dhibaato dhabarka ah uu muddo dheer ku maqnaa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Arsenal ayaan la garaacin afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League la ciyaartay Man Utd, waxa ay guuleysteen saddex kulan, waxaana ay barbaro galeen hal kulan, iyagoo shabaqooda gool ka ilaashaday saddex kulan.

>- Man United ayaa guuldarro la kulmi karta saddex kulan oo xiriir ah oo ay booqatay horyaalka naadiga Gunners markeedii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1991-kii.

Arsenal

>- Arsenal ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, iyadoo barbaro gashay kulanka kale.

>- Gunners ayaa dhalisay 14 gool kulamadaas, waana in labo ka badan goolashooda 14-koodii kulan ee furitaanka.

>- Waxa ay shabaqooda gool ka ilaashadeen saddex kulan oo xiriir ah oo ay garoonkooda ku ciyaareen tartammada oo dhan, waana in ka badan 19-koodii kulan ee markaas ka hor ay ku ciyaareen garoonkooda Emirates.

>- Willian ayaa noqon kara xiddigii reer Brazil ee ugu horreeyey oo safta 250 kulan oo horyaalka Premier League ah.

>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa gool dhaliyey afar ka mid ah shantiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu wajahay Kooxda Manchester United.

>- Mikel Arteta ayaa raadinaya inuu noqdo tababarihii ugu horeeyay Arsenal ee ka badiya saddexdiisa kulan ee ugu horreeyay horyaalka ee uu ka horyimaado Man United.

Manchester United

>- Man United ayaa barbareyn karta rikoorkeeda kooxda ee ah inaan 17 kulan oo xiriir ah horyaalka ah aysan wax guuldarro ah ku soo gaareen bannaanka (Away), iyagoo guuleystay 13 kulan, isla markaana barbaro galay afar kulan.

>- Waxa ay ka soo laabteen goolal lagu hoggaamiyey waanaay guuleysteen todobo kulan oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan, dhammaantoodna kulammadaas waxa ay Man Utd ku ciyaareysay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Lix ka mid ah toddobada gool ee uu Marcus Rashford ka dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxaa uu ku dhaliyay meel ka baxsan garoonka kooxdiisa.

>- Rashford ayaa dhaliyey labo gool kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka Premier Legaue oo uu wajahay Arsenal bishii Febraayo ee sanadkii 2016-kii, laakiin waxa uu ahaa gool la’aan 10-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu wajahay iyaga.

>- Bruno Fernandes ayaa afartii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray horyaalka ka baxay isagoo aan wax gool ah dhalin ama wax caawin ah samayn, waana heerkiisii ugu xumaa tan iyo markii uu ku soo biiray Kooxda Man United.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews