“Musharixiinta Ardaayaysan Iyo Rejeda Soo Bixitaankooda Ama Dhicitaankooda”!Cali Guray.
January 31, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hadda sida xaalka Somaliland yahay ama ha Noqdo Musharax Baarlaman ama mid Gole degaan eh inta aan xisbiyo la gaadhin Musharaxnimadu waxay marka hore ka soo unkamaysaa Ardaayo. Taas oo ah wixii la odhan jiray constituency-ga ayaa Marka hore musharax kasta wuxu noqday uun ardaaga uu ka Soo jeedo iyo taageerada uu ka heli karo. Dhinaca kale marka Ardaa la leeyahay ma jiro ardaa codkiisu uu ku filan yahay in Keligii uu soo sari karo codka uu ku soo bixi karo musharaxoodu Xataa hadii ay codadkooda oo dhan isugu geeyan hal musharax Oo keliya. Tusaale ahaan Maroodijeex doorashadii 2005tii waxa Ka codbixiyay 253000 kuraasida gobolka ee loo tartamayay Waxay dhamayd 20 kursi. Markaa qiimaha halkii kursi wuxu Ahaa 12650. Muu jirin musharax keliya oo gaadhay tiradaasi Halkase sirtu ay ku jirtay waxay ahayd markaa hore isugeynta Tirada codadka uu helay xisbi kastaa ayaa loo qaybinayay Qiimaha halkii kursi. Sidaa ayuu Kulmiye oo ugu cod badnaa Kul 8 kursi Udub iyo Ucidna mid walba lix kursi kuraasidana Waxa ay musharixiinta xisbi kastaa u sii kala heleen sidii ay u Kala cod badnaayeen. Musharixiintii soo baxday waxay ku soo Kala baxeen cod 9000 ka badan ( kii ugu badnaa) iyo kii ugu Codka yaraa oo helay 4200 qiyaastii. Iyadoo ay taasi jirtay waxa La yaab noqotay in musharax helay 6000 oo cod uu dhacay Halka mid 4200 helayna uu soo baxay sababtuna waxay ahayd Habka loo yaqaan “proportionality” balse hadii ay noqon lahayd In 20ka ugu codka badani ay soo baxaan xaalku sidaa muu noqdeen. Tii ardaayada ayaan uga socdaye ardaayada soo baxay badankoodu waxay ahaayeen kuwii aan codadkoodu qaybsan ee musharaxa keliya isugu tegay. Waxa jiray ardaayo codadkooda marka la isku daro uu ka badnaa 8000 balse aan ku helin hal xildhibaan sababtuna waxay ahayd laba ama sadex musharax ayaa ku tartamayay oo ugu yaraan laba ka mid ah ay si wayn ugu kala qaybsadeen (3000+ 4000+), iyadoo dhinaca kale ay jireen yaanay badnaan eh ardaayo ka cod yaraa sadex Musharaxna ay ku tartamayeen codadka ardaagooda hadana Hal kursi helay. Taasina waxay ku dhacday farsamo la is-dheeraday uun eh si kale may ahayn.