Faah Faahin Ku Saabsan Dabley Gudaha Ugashay Hoteel Afrik Ee Magaalada Muqdisho Iyo Qaraxyo Lala Beegsaday
February 1, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qarax xooggan ayaa ka dhacay hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dabley la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ay galeen hoteelka, islamarkaana ay rasaas xooggan is-weydaarsadeen ciidamada amniga Soomaaliya.
Wali waxaa la maqlayaa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada Soomaaliya iyo koox dabley ah oo gudaha u gashay Hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.