General Maxamud Nuur Galaal Oo Geeridiisa Laga Wada Dareemay Deegaamada Somalida Iyo Tacsi Ay Udireen Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne Iyo Wariye Axmed Siciid Cige
February 1, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-General Maxamud Nuur Galaal waxa uu kaalin mihiima oo hogaamineed kasoo qaatay dhismihii Ciidankii xooga dalka Somaliya xiliyadii dagaalkii itoobiya iyo Somaliya iyo bilawga dhismaha ciidanka Somaliya uu kamid ahaa ragii aqoonta ciidan ee buuxda lahaa ee loo igmaday inay dhisaan.
General Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa hogaamiyayaashii ciidanka Dalka Somaliya ayaa iska casilay Masuuliyada Ciidanka islamarkaana ku dhiirday inay xukunkii Maxamed Siyaad Barre ee gabood falyada badan gaysatay Xukunka ka tuuraan 1991-kii ayaa waayadan danbe ku noolaa magaalada Muqdisho uu ugu danbayn xalay ugu geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hutelka Afriik ee magaalada Muqdsiho ee Xarunta Somaliya halkaas uu ku sugnaa xiliga weerarka lagu qaaday.