Lamanaayaal Ku Jiray Farxada Guurkooda Oo Kamid Noqday Dadkii Lagu Dilay Weerarkii Hotel Afrik
February 1, 2021 - Written by admin
Muqdihso(Berberatoday.com)-Fahad iyo Fadxiyo oo ahaa lamaanayaal ku jiray todobo baxooda ayaa kamid noqday dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dabley katirsan Alshabab gudaha u galeen.
Lamaanahan ayaa maanta lagu aasay qubuuro ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay eheladooda oo aad uga murugaysnaa geerida Fahad iyo Fadxiyo oo lagu kala aasay labo qabri oo is dhinac yaala.