Ma Dhabbaa In Madaxweyne Muuse Biixi Ku Khasbay Xubnaha Golihiisa Xukuumadda In Mid Waliba Reerkiisa Ka Keeno Musharrax U Taagan Wakiiladda Iyo Deegaanka?!
February 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Waregyska Foore ayaa daaha ka fayday arin cajiib ah oo ku Cusub Saaxadda hogaaminta Somaliland taasi oo ku saabsan in Madaxweyne Biixi Khasab kaga dhigay inay Golihiisa Xukuumadda gaar ahaan Golaha Wasiiraddu inay Musharaxiin ka keenaan deegaanada ay kasoo jeedaan gaar ahaan Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.
