Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Farriin Adag U Diray Madaxweyne Geelle
February 2, 2021 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAD ee dalka Jabuuti ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay Madaxeyne Ismaaciil Cumar Geelle in aanu mar shanaad isku soo sharixin hoggaaminta dalkaas.
Sidoo kale waxa uu ka codsaday Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka waaweyn ee saldhigyada millatari ku leh Jabuuti in ay la saftaan shacabka oo aanay taageerin Madaxweyne Geelle.