Xoggo Cusub Oo Laga Helayo Sidii Uu U Dhacay Dilkii Jeneraal Galaal Iyo Cidda Dishay?
February 3, 2021 - Written by admin
Waxa jira warar badan oo shaki galinaya cidda dishay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerar lagu qaaday Hotel Afrik oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa sheegay in qaabka uu u dhintay Jeneraal Galaal uu yahay mid baadhitaan u baahan. Waraysi uu siiyay idaacadda Kulmiye ayuu ku sheegay in Galaal xabad lagaga dhuftay madaxa isla markaana aanu jirin dhaawac kale ama xabado kale oo soo gaadhay jeneraalka. Indha-cadde wuxuu xusay in Jeneraal Galaal uu isagu gacantiisa ku dilay laba nin oo alShabaab ahaa isla markaana beegsaday qolkiisa, balse intaa wixii ka danbaysay ay ciidamada ammaanka Soomaaliya isaga dileen, waa sida uu aaminsanyahay markii uu eegay qaabka uu u dhacay dilku iyo meesha maydkiisa laga helay.