Cabdillaahi-jawaan Oo Ku Baaqay In Doorashooyinka Isku Sidkan Loo Xulo Dad Waxtari Kara Dalka Iyo Dadkaba
February 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Guurtidu ka gaadhay soo jeedintii Madaxweynaha, waxaanu sheegay in loo baahan yahay la soo xulo dad mudakar oo aqoon iyo xilkasnimo leh.
Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waa guul u soo hoyotay Somaliland, sharaf iyo maamuus bay Guurtidu ku leeyihiin go’aankaas ay gaadheen, waxaana ahayd go’aan la filayo sidii aan horeba u sheegay anigu, waxaana sheegay in aanay Guurtidu diidayn, maadaama go’aankaas lagu heshiiyey Somaliland uu yahay magac iyo maamuus, dhab ahaana Guurtidu door shariifa ah ayey qaateen, xaaladda dalkana gaar ahaan nabadgalyada door muhiim ah ayey ka qaataan”.