berberatoday.com
FARIIN QARAN OO KU SOCOTA SHACAB IYO DAWLADBA GAAR AHAAN DHALINYARADA. “CAQLIGA XOR KA NOQAA KA WACAN CALOOSHA BUUX DHAAFI”CABDIKARIIM QAAMUUSKA
February 7, 2021 - Written by admin

Dunida casriga waxaa la isla qaatay in macdanta ku jirta buuraha uu ka qaalisan yahay khayraadka ku jira maskaxaha aadmiga taasna waxaa xaqiijiyey jabaan iyo bulshadaa indha yarta ah.waxay ina tuseen in maanta adeeguhu ka hodan san yahay hantiilaha waxaana tusaale kuugu filan cali baabaa,wiilka facebook leh iyo amizon. Taasina waa sababta haatan xooga loo saarayo in qofku isku filnaado si madax banaan dhaqaale u yeesho si uu caqliga xor uga noqdo oo uu ula yimaad curin cusub Hadaba hadii aad buugta uun ka akhrin jirtey kacaankii warshadaha iyo kacaankii faransiiska oo ereyga kacaan sheeko kugu ahaa maanta waxaad goob joog u tahay kacaan dunida ka dhacay ee dhaayaha iyo dhegahaba furo. Cudurka karoonuhu waa mid ka duwan dhamaan xanuunadii soo maray dunida maxaa yeelay sida caadiga ah cuduradu waxay waxyeelaan jidhka aadama oo waxay wax ka badalaan caafimaadka qofka laakiin karoone waxuu wax ka badalayaa akhlaaqdii aadamaha waxuu dhalan rogayaa hab nololeedkii hore,dhaqanadii bulshooyinka iyo caadooyinkii soo jireenka ahaa waxaanu bar bilow u yahay kacaanka casriga. Ma nihin duul ku nool meere kale ee waxaynu ku nool nahay dunidaa aad arkaysaan waxaana lagama maarmaan ah inaan tagtadii ku taamilo qaadano taagantana ka tusaale qaadano si aynu timaadada nolol taabo gasha tiirka ugu taagno. ku soo noqo mawduuca oo kacaanka karoonuhu waxuu keenay waxaa ka mid ah in goobihii shaqada aan la iskugu iman oo guryaha laga soo shaqeeyo taas macnaheedu waxaa weeyi gurigaagu meeshuu doono ha ku yaalee online ayaad ugu adeegaysaa shirkadaha u baahan xirfadaada halkaa waxaad ka aragtaa inuu kor u kacay suuqa xirfadaha onlineka lagu qaban karo ta kale waxay arintani fursad caalami ah u tahay dhalinta ku nool dunida sadexaad ee awel yurub u haajiri jirey si ay uga soo shaqaystaan oo adoo beertaadii jooga ayaad halkaa shirkad weyn uga shaqaynaysaa waxaa fursad aad uga faa,idaysta hindidii iyo indha yarta soomaaliduna kuma baraarugsana ee waxay ka fahantayba prank iyo you tube baa lacag laga sameeyaa dhalinyarada waxaan u soo jeedinayaa inay ku baraarugaan arintaa oo bartaan xirfadaha caalamiga ah Suurta gal ma sii ahaan doonto qaabkan waxbarashada dalka inta caruurta laba iyo tobon sano la xafidsiiyo caasimadaha afrika iyo waxaan dhaamin in suuqa lagu sii daayo iyagoon jiho haysan tan kaliya kuma canaanayo dawlada ee xataa ganacsigeena hirgalay iyo horumarkeenuba waxuu isku koobay in guryaha iyo dhismayaasha wax laga badalo ee dal iyo dad toona lama maal gashan. Isbedel waa lagama maarmaan waxaa loo baahan yahay aragtiyaha faylasuufyada galbeedka iyo fuqahada carbeed inaynaan ku dhex anban ee dhexdooda aynu ka falkino fikir aqooneed diini iyo maadiba ah oo aynu la nimaad hal abuur nololeed oo sawraceena leh oo aynu dunida kula jaanqaadayno. MAXAA KAAGA BAXAY?

 

 

Qalinkii Qaamuus

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews