“Madaxweynuhu Wuxuu Muujiyey Inuu Daacad Ka Yahay Qabsoomidda Doorashooyinka..”Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali Muuse
February 7, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wakhtiga loo qoondeeyey Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay soo xulaan soona doortaan dad tayo leh oo u qalma inay dalka iyo dadkaba wax u qabtaan.