Muqdisho: Askari Boolis Ah Oo Magaalada Lagu Dhex Toogtay
February 7, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa toogasho ay kooxo hubeysan maanta ka geysteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay jid-cadaha mara dhabarka dambe ee Suuqa Weyn, gaar ahaan dhanka xaafadda Aargada, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.