Qarax Miino Oo Muqdisho Lagula Eegtay Saraakiil Ka Tirsan Booliiska Gaarka Ah
February 7, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qarax miinada dhulka ayaa lala eegtay gaadhi nooca ayna xabbadu karin oo ay wateen Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya.
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Km4 gaar ahaan Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,.wadadaas oo ah meelaha ugu badan qaraxyadu ka dhacaan.
Waxaa la sheegay in uu ka dhashay dhaawaca hal qof oo ahaa darawal mooto bajaaj ah, warar kale ayaa sheegaya in qof kale ku dhintay, balse weli lama hubo.
Qarax lala eegtay Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT ee Soomaaliya