Xildhibaan Baar Siciid Oo Ku Baaqday In Cadaaladda Iyo Wanaagga Laga Shaqeeyo!
February 8, 2021 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Marwo Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqday in mar walba la ilaaliyo cadaaladda, oo laga taliyo wanaaga, lagana dheeraado wax kasta oo fidno abuuri kara.
Marwo Baar Siciid Faarax oo u warrantay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Tacsi u dirtay ehelkii, qarabadii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE u naxariiste Xildhibaan Bulqaas, waxayna ugu horeyn tidhi “Halkaynu maanta marayno waa meel fiican, waxaana la inooga baahan yahay in mar kasta aynu ka heshiino wax kasta oo aynu isku qabano, ee ta kale mar walba aynu ku dadaalno ilaalinta cadaaladda, wanaagga iyo khayrka, oo aynu ka dheeraano wax kasta oo fidno iyo dhib keeni kara”.