Dowladda Ingiriiska Oo Madaxda Soomaaliya Ugu Baaqday Inay Si Deg-deg Ah Ukulmaan
February 9, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa ku baaqay in la dar-dargaliyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-goynayo heshiiskii la gaadhay 17-kii bishii September ee sanadkii 2020.

Safiirka oo adkeynaya fariin ka timid Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in wadada kaliya ee lagaga gudbi karo marxaladan ay tahay inay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe heshiiyaan.