Wasiir Katirsan Dowladda Xamar Oo Sheegay In Somaliya Uu Ka Jiro Musuq-maasuq Weyn
February 9, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya uu ka jiro musuq-maasuq weyn oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulankii ay maanta yeesheen xildhibaanada golaha shacabka, ayaa sheegay inay jiraan musuq-maasuq waxbarasho oo la xidhiidha iskuullada iyo jaamacadaha, balse dadka Soomaalida ay musuq u yaqaanaan kaliya in lacag la lunsado.