Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland Ee Lafilayo Inay Qabsoomaan 31/05/2021.
February 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dowladaha dunida ee taageera hannaanka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay doorka ay farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan ka qaadanayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo lagu wado inay 31-ka May 2021-ka ka qabsoonto Somaliland.
Dowladda Ingiriiska iyo Dalalka kale ee Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ku caawin doonaan Guddiga doorashooyinka Somaliland. Halka uu Madaxweynaha Muuse Biixi shalay sheegay inay doorashadani noqon doonto tii ugu horreysay ee ay Somaliland ku keliyeysato farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba